Contre le vol des urnes, les manifs se poursuivent à Djibouti.

Les manifestations pacifiques (organisées ou spontanées) contre le hold-up électoral du 23 février dernier se sont poursuivi ce vendredi 8 mars 2013 à la sortie de la grande prière. Malgré le quadrillage de la voie publique, les habitants de Balbala se sont réunis au terrain dit « des pompiers ». Voici une énième vidéo qui démontre le mécontentement populaire.

Zurri baa lgu yidhi « Surri-Surri »

GuellehAkhriste halkan ka daawo nin ku gaadhan direyskii xisbiga RPP oo ay runta wajiga kaga dhufteen dhallinta xaafadda Quartier 3 (Kartiyee Turwaa) oo ah xaafadaha ugu qadiimisan magaalada Djibouti (Jabuuti). “40 sanadood iyaad been noo sheegayseen. Xaafadda noo dhaafa!”.

Waxa ayaan darro ah ninkan weeran astaamaha cagaaran ee RPP (xisbiga taliska 40 jirka ku socda ee Ismaaciil Cumar Geelle) waa Dr Maxamed Cabdiraxmaan “Surri-Surr” oo ah run ahaantii aqoonhayan (dhaxtar takhasus ah) oo naga mudnaa ixtiraam badan. Waxa is-weydiin le, waxa kusoo celiyay heer “guul-wade”?

Reer Quartier 3 (Kartiyee Turwaa) hadalkooga waxa loo akhrisan karaa docteeroow : “Surri baa lagu yidhi Surri-Surri”. Annaguna haddaan nahay Djiboutii.net waxaan leenahay “Aqoonyahanoow afkaaga iyo wajigaaga ilaasho haddii kale is-bedel-doonka dhinac ka raac

Saylac: Dagaal Qabow Oo Wejiyo Badanle Oo Ka Bilaabmay Magaalada Saylac

Saylac-mosqueXubin ka tirsan siyaasiyiinta degmada Saylac ayaa sheegay in dagaalkii loogu jiray  meelmarinta natiijooyinkii doorashooyinkii golahaasi  dhammaaday , hase yeeshee haatan xukuumadda iyo beesha Ciise mid kale ka bilaabeen degmadaasi , iyagoo doonaya inaan maamulka cusub ee golahaasi anu wax tallaabo ah qaadin.

Siyaasigan reer Saylac , laguna magacaabo Maxamed Daahir Muumin loona yaqaan maxamed Yaakhii, ayaa waraysi uu arrimahaasi ka siiyey geestiir.com ku sheegay oo kale in maamulka xukuumadda Siilaanyo, iyo beesha Ciise isku dayayaan sidii beelaha samaroon looga sifayn lahaa dhammaan laamaha dawladda ee ka hawlgala halkaasi sida kastamada cashuuraha, iyo laamaha dawladda ee kale , isla markaana ay dhammaan hawlahaasi qaybsadaan beesha Ciise iyo maamulayaasha dawladda , kuwaasoo laga soo qorayo Hargeysa ama laga soo magacaabayo waxayna arrintani keenaysaa khatar kasii xun tii maamulka degmadaasi lagu diidanaa .

Maxamed Yaakhii oo arrimahaasi ka hadlayaan waxa u yidhi “markii ay dhammaadeen ololihii beesha Ciise iyo qaar ka mid ah beelaha kale ee soomaaliland ku doonayeen in maamulka magaaladaasi loga dambeeyo beesha Ciise, waxna ka socon waayeen ayaa waxay haatan xukuumadda iyo siyaaiyiinta beeshaasi bilaabeen sidii maamulka dadka degaankaasi doorteen anu u shaqayn ama loo mijoxaabiyo.

Waxa haatan dhacday in bileyskii magaaladaasi dhammantiiba gacanta loo geliyey beeshaasi , waxa kale oo gacanta loo geliyey dhammaan shaqalahii cashuurha kastamka iyo dawladda hoose , waxana loo magaacabay saraakiil sarsare oo ciidanka nabadgelyada Somaliland oo ku xigeenkii la siiyey nin ciise ah , reer Geeddi , iyadoo la ogaa in bileyska soomaalilandna u haystay nin ka mid ah beelaha taageera siiya  ururkii xaqsoor , oo ay isku qolo yihiin Xasan Cise Jaamac , waxa kale oo haatan la doonayaa in la beddelo taliyihii Bileyska G/Selel, lana geeyo nin beelaha dhexe ah , waxana la ogaa in horeba ciidanka badda nin Ciise ah loo magacaabay , waxaasoo dhammina waxay muujinayaan sidii loo fashilin lahaa maamulka G/degaanka aqlabiyadda ah oo ka kooban beelaha G/Awdal maadaama . markaa arrintu waxay haatan u egtahay dagaal dhinac walba ah oo loo baahanyahay in laga hortego .”

Source Geestiir.